Shirkadda (Spectrum) oo war ka soo saartay arrinta sahminta shidaalka Soomaaliya iyo cabashada kenya,

0
119

Spectrum oo ah shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda Spectrum ayaa sheegtay in dhul badeedka sahminta shidaal lagu sameeyay ee xogtiisa lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay leedahay Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadeeda uu yaallo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Qoraalka ka soo baxay Spectrum ayaa waxaa lagu soo bandhigay qariirada muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay iyo qeybta dhul badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here