qarax ey ku dhinteen askar badan o Ethiopian ah aya ka dhacay magalada Baardheere.

0
155

sida la xaqiijiyey illaa 8 askari ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 kalena waa ey ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada ay Miinooyinkan ay la kaceen, xilli ay marayeen waddada Jayga ee gasha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona ciidamadu baaritaano ay ka bilaabeen halkaasi, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalkaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya gobolka Geedo ee K/ Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here