Madaxweynaha Hirshabelle oo gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Hiriaan.

0
105

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo uu xilka ka qaaday Yuusuf axmed hagar (Yuusuf Dabageed).

Xilka qaadista guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku eedeeyay inuu doonayo in uu lunsado dhaqaalaha laga ururiyo shacabka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada xilka loogaga qaaday Guddoomiye Dabageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here