Howlgal Ey iska kaashanaayaan ciidanka dowlada somalia iyo kuwa mareeynkanka ayaa lagu qaaday xarunta uga weyn Al-Shabaab.

0
242

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in ciidamada kumaandooska ee Danab iyo kuwa Mareykanka ay qaadeen howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Xarun tababar Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib.
Waxaa uu sheegay in howlgalka lagu dilay illaa 30 dagaalame ka tirsan Shabaab oo afar ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, sida uu hadalka u dhigay.
Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Taliyaha qeybta 43aad Jen. Bogmadow oo xaqiijinaya howlgalka lagu dilay tirada intaas la eg oo Al-Shabaab ka tirsan.
Hase ahaatee Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay faah faahin ka bixinayay howlagalada iyo weerarada duqeymaha ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, kaasoo lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here